Kulan dhexmaray shirkada Himmah Group & Dadka deegaanka Daarul Himmah.

15 April 2020  Xafiiska Himmah ee Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay Kulan is wareysi, xog isweydaarsi iyo kala warqaadasho ah kaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo yeesheen Maamulka shirkada Himah Group iyo Dadka deegaanka Daarul Himmah.

Kulanka oo ay soo agaasimeen kana shaqeeyeen qabsoomidiisa Maamulka shirkada Himah Group ayey u jeedadiisu aheyd kala warqaadasho halka wax marayaan iyo katashiga deegaameynta Xaafada Daarul Himmah iyo sidii loobilaabi lahaa  dageegaameyntiisa.

Ugu horeyn Maamulka shirkada Himah Group ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa iyo xogtii ugu dambeysay lawadaagay dadka Deegaanka Daarul Himmah waxayna warbixin qotadheer ka siiyeen halka ay marsiinayaan dadaalkii ay wadeen ee laxiriiray deegaameynta Daarul Himmah.

Dhinaca kale Mas’uuliyiinta Dadka deegaanka Daarul Himmah ayaa dhankooda ka warbixiyey rabitaanka iyo qorshaha dadka soowakiishay iyo sida ay doonayaan in loodardargaliyo howsha deegaameynta.

Dood dheer iyo falanqeyb kadib waxay isku af garteen Maamulka shirkada Himah Group iyo Mas’uuliyiinta Dadka deegaanka Daarul Himmah qodobada soosocda:

  1. In sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo Deegaameynta Xaafada Daarul Himmah isla markaana ay dadka deegaanku u diyaargaroobaan arinkaas.
  2. Dardar galinta dhismaha wadooyinka deegaanka iyo kuwa kabaxa ee kuxira xaafadaha kale ee Magaalada.
  3. Hagaajinta xiriirka iyo iska warqabka bulshada Deegaanka Daarul himmah iyo wadaagida wixii akhbaar sookordha iyo hadba halka ay wax marayaan.

Gabagabadii kulanka Maamulka Himmah iyo Dadka deegaankana waxay isku af garteen in la dardargaliyo howsha Deegaameynta Deegaankaas leyskana kaashado fulinta howshaas.

Deegaanka Daarul Himmah waa Xaafad cusub oo dhawaan laga hirgaliyey Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaana laqorsheeyey in loodhameystiro dhamaan adeegyada bulshadu ubaahantahay sida Waxbarashada, Caafimaadka, Suuqyada iyo dhamaan wixii ay u baahantahay Xaafad deegaana.