Tartan Aqoon isweydaarsi ah oo dhexmaray Aradada Madarasada Himmah School

Madarasada Alhimah ee Magaalada Muqdisho ayaa tartan aqoon kororsi ah u qabatay ardada dhigata Qeybta Xanaanada wuxuuna tartankaasi ka dhacay Xarunta Dugsiga ee Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Maamulka iyo Macalimiinta iskuulka Alhimah ayaa isku taxalujiyey soona diyaariyey tartanka oo hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta ubadka soomaaliyeed loona bari lahaa xirfada fagaare ka hadalka iyo iskukalsoonaanta.
Tartanka oo ahaa mid aad u xiiso badan ayey ardadu ku tartamayeen waxyaabihii labaray oo dhan oo isugu jira diini iyo maadi, aradada ayaana si fiican uga qayb qaatay tartanka iyagoona muujiyey kartidooda iyo aqoonta ay ka heleen iskuulka.

Ugu dambeyntii tartanka ayaa ku soo gabagaboobey jawi aad u wanaagsan farxada iyo nashaadkana laga dheehan karay wajiyada ardayda.
iskuulka alhimah ayaa xiliyada qaar qorsheeya tartamada aqoon korarsigaa ee u dhexeeya ardayda taas oo qeybka ah nashaadaadka loo sameeyo arada si aqoontooda sare loogu qaado.

Madarasada Alhimah waxay kamidtahay Himmah Group waxayna ka shaqeysaa dhanka waxbarashada aasaasiga ah iyo barbaarinta Ubadka waxayna isugu jirtaa Madaraso diiniya, Dugsi Quraan, Xanaano iyo School nidaamiya waxay leedahay faracyo kaladuwan.

Madarasadu Himmah School waxa ay bixisaa waxbarasho tayeysan waxaana wax ka dhiga macalimiin waaya aragnimo iyo khibrad u leh maadooyinka ay dhigayaan waxaana gacanta kuhaya Maamul leh aqoontii looga baahnaa ee Maamulida waxbarashada.