Kulankii labaad ee howsha deegaameynta Daarul Himmah Village oo Muqdisho ka dhacay

04 June 2020  Xafiiska Himmah ee Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay Kulankii labaad ee looga arinsanayo howsha deegaameynta Daarul himmah  kaas oo si heersare ah loo soo agaasimay wuxuuna u dhexeeyo kulanka Maamulka shirkada Himah Group iyo Mas’uuliyiinta Dadka deegaanka Daarul Himmah.

Kulanka oo ay soo agaasimeen kana shaqeeyeen Qabsoomidiisa Maamulka shirkada Himah Group ayey u jeedadiisu aheyd kala warqaadasho halka wax marayaan iyo katashiga deegaameynta Xaafada Daarul Himmah iyo sidii loobilaabi lahaa  dageegaameyntiisa.

Ugu horeyn Maamulka shirkada Himah Group ayaa warbixin dhinacyo badan taabaneysa iyo xogtii ugu dambeysay lawadaagay dadka Deegaanka Daarul Himmah waxayna warbixin qotadheer ka siiyeen halka ay marsiinayaan dadaalkii aywadeen ee laxiriiray deegaameynta Daarul Himmah Village.

Dood dheer iyo fala

nqeyb kadib waxay isku afgarteen Maamulka shirkada Himah Group iyo Mas’uuliyiinta Dadka deegaanka Daarul Himmah Village qodobada soosocda:

  1. In 20-6-2020 loo asteeyey kulan weyn oo lagu gudoonsiin doono Macaamiisha Sharciga lahaanshaha Dhulka Deegaanka Daarul Himmah
  2. In labilaabo dhismaha Deegaanka Daarul himah laga bilaa 21-7-2020.
  3. Dardargalinta Jaay Saarida jidadka Deegaanka Daarul Himmah Village
  4. Diyaarinta fasaxa dhismaha iyo jaaysaarida jidadka soo gala iyo kuwa kabaxa Deegaanka.
  5. In Macaamiishu u diyaargaroobaan bixinta kharashaadka howsha Deegaameynta Xaafada Daarul Himmah

Gabagabadii kulanka Maamulka Himmah iyo Mas’uuliyiinta Dadka deegaankana waxay isku afgarteen in la dardargaliyo howsha Deegaameynta Deegaankaas leyskana kaashado fulinta howshaas.

Kulankan ayaa noqonaya kiilabaad oo ay labada dhinac yeeshaan si loo dardargaliyo deegaanka Daarul Himmah Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho

Deegaanka Daarul Himmah Village waa Xaafad cusub oo dhawaan laga hirgaliyey Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho waxaana la qorsheeyey in loo dhameystiro dhamaan adeegyada bulshadu u baahantahay sida waxbarashada, caafimaadka, suuqyada iyo dhamaan wixii ay u baahantahay xaafad deegaana.